Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dareenkiisa ku biiriyay in la mamnuuco shidaalka iyo dhuxusha Ruushka laga soo dhoofiyo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in la helay xabaal wadareed iyo tacaddi kale oo la aaminsan yahay in ciidamada Ruushka ay ka gaysteen magaalada Bucha.
Magaaladan ayaa ku taalla duleedka caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Macron ayaa xusay in dhibaatada dhacday ay u baahan tahay in looga jawaabo wareeg cusub oo cunaqabateyn iyo tallaabooyin cad oo ka dhan ah dowladda Ruushka.
Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda iska fogeysay eedeymaha ah inay dad shacab ah ku xasuuqday gudaha magaalada Bucha ee dalka Ukraine.