Dowladda Faransiiska ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Ruushka oo ahayd in ciidamadeeda ay ka dagaallamayaan gudaha Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in horraantii toddobaadkan ay dishay dagaalyahaano shisheeye.
Hasa ahaate wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aynan gudaha Ukraine iyo meel kaleba ka joogin ciidamo dagaal qayb ka ah.
Waxay intaasi ku dartay in si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ay qalab iyo tababar militari siinaysa Ukraine si ay uga caawiso difaacidda gobonnimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed.




