Dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa sheegay inay sare u sii qaadi doonaan xiriirka ay wadaagaan.
Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa gaaray magaalada Paris si uu halkaasi kulan ugula yeesho dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron.
Labada mas’uul ayaa hoosta ka xarriiqay inay ku dadaalayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen kala duwanaanshaha u dhexeya dowladahooda si ay ugu midoobaan wax ka qabashada duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado gudaha Ukraine.