Falcelin ka dhalatay siyaasiyiin laga eryay ODM

0
246

Waxaa siyaabo kala duwan looga falceliyay tallaabo xisbiga mucaaradka ee ODM looga saaray xubno lagu eedeyay inay taageersan yihiin maamulka madaxweyne William Ruto oo ayna la shaqeynayaan.
Madaxa fulinta ee ururka lahaanshaha xuquuqda heesaha ee (MCSK) Dr. Ezekiel Mutua ayaa sheegay in tallaabadaasi ay hoos u dhigaysa dimuqraadiyadda.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in tani ay muujinaysa caburinta xurriyatul qowlka iyo in aan loo dulqaadan dhaliisha.
Hasa ahaate waxaa go’aanka ODM taageeray oo mid ku soo aaday xilli loo baahnaa ku tilmaamay xildhibaankii hore ee deegaanka Mukurweini, Kabando wa Kabando.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga qaran ee fulinta ee ODM ee (NEC) uu go’aamiyey in xisbiga aynan ka sii mid ahaan xildhibaanka deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya Elisha Odhiambo , Senatarka ismaamulka Kisumu Prof.Tom Ojienda , mudanaha Bondo Gideon Ochanda, xildhibaanka deegaanka Langa’ta Felix Odiwuor iyo dhigiisa deegaanka Koonfurta Suba Caroli Omondi.
Siyaasiyiintan ayaa lagu eedeyay inay dafireen mowqifka siyaasadeed ee ODM sidaasi awgeedna ay ku kaceen habdhaqan xumo.
Millicent Omanga oo horay aqalka sare si magacaabid ah ugu biirtay ayaa dhankeeda ODM ku eedeysay in la bartilmaameedsaday siyaasiyiin ka soo jeedo hal qowmiyad ah.
Mudanaha deegaanka Koonfurta Suba Caroli Omondi ayaa dhankiisa sheegay inuunan u baahneyn ODM si uu mar kale xilkiisa ugu guulaysto sanadka 2027-ka.
Senatarka ismaamulka Kisumu Prof. Tom Ojienda ayaa dareen kani la mid ah muujiyay wuxuuna sheegay inuunan cidna la raaligelinayn la shaqeynta madaxweynaha dalka.
Mudanaha deegaanka Homa Bay George Peter Kaluma ayaa dhankiisa doonaya in doorashooyin hor leh ay ka qabsoomaan deegaannada ay matalaan siyaasiyiinta laga eryay xisbiga.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Passaris ayaa dhankeeda lagu ganaaxay 250,000 oo shilin oo ay ku bixinaysa 60 cishe gudaheeda ka dib markii ay codkeeda ku taageertay hindise maaliyadeedkii uu baarlamaanka ansixiyay.