Falcelin adag oo ka dhalatay go’aan uu wasiirka gadiidka shaqada uga joojiyay agaasimihii maamulka diyaaradaha

0
371

Waxaa arrin laga xumaado lagu tilmaamay go’aankii uu wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud ee dalka ,Kipchumba Murkomen uu shaqada kaga ceyriyay agaasimihii guud ee maamulka maareynta garoomada diyaaradaha dalka ee (KAA) Alex Gitari ka dib koronto la’aan saameysay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Mukuruweini ee ismaamulka Nyeri Kabando Wa Kabando ayaa ku andacooday in tallabadan ay ahayd mid aan habboonayn oo ay qabyaalad sal ku leedahay.
Waxaa uu sheegay inuusan jirn cudurdaar loo cuskan karo in shaqada laga joojiyo agaasimihii maamulka KAA Alex Gitari.
Mas’uulkan hore ayaa su’aal galiyay sababta uu madaxweynaha dalka William Ruto ugu guuldarreystay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud ee wadanka Kipchumba Murkomen iyo dhiggiisa wasaaradda tamarta Mr. Davis Chirchir, madaama arrintan ay iyaga khuseyso.
Go’aanka wasiirka gadiidka ayaa yimid ka dib koronta la’aan sameysay qaybo badan oo wadanka ka mid ah oo ay ku jiraan xarumaha muhiimka ah sida gagida JKIA.
Sidoo kale waxaa shaqeyn waayay matoorkii korontada ee gagida JKIA.
Korontada ayaa wadanka maqneyd muddo ka badan 15 saacadood ka dib cilad ku timid adeegga korontada.