Falastiiniyiinta ku nool magaalada Qaza ayaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera in aysan arag wax isbedel ah oo dhab ah oo ku yimid noloshooda tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiska xabad joojinta, iyadoo Israa’iil ay sii wado weerarada militari iyo xanibaada gargaarka.
Ergeyga Mareykanka ee Bariga Dhexe Steve Witkoff ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta Qaza uu si wanaagsan u socdo in kasta oo Israa’iil ay weerarro ba’an ku qaadday guud ahaan dhulka Falastiin.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 68,229 qof halka mudadaas gudaheedane lagu dhaawacay 170,369 kale oo Falastiniyiin ah.