Maamullada Qaza ayaa sheegay in 6 qof oo kale oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin labo carruur ay u dhinteen gaajo.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda u geeriyooday macluusha ee Qaza ka dhigaysa 133 ruux intii uu socday duullaanka militari ee Israa’iil.
In kastoo ay Israa’iil shaacisay in muddo kooban ay hakisay dagaalka meelo ka mid ah Falastiin, haddana waxaa la dilay 63 qof.
34 ruux oo dadkan ka mid ah ayaa sugayay in loo qaybiyo gargaar baniaadannimo.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee Israa’iil ay ka wado Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 59,733 qof halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 144,477 kale.