Falastiin oo soo dhaweysay baaq ka soo baxay waddamada dhexdhexaadka ah ee NAM

0
225

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin ayaa soo dhaweysay baaqii ahaa in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Waxaa baaqan soo saaray sidoo kalena ololaha militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza cambaareeyay xubnaha dalladda waddamada dhexdhexaadka ah ee NAM oo dhawaan ku shiray caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in qaraarka 120-ka xubnood ee NAM uu yahay mid waafaqsan xeerarka caalamiga ee loo siman yahay iyadoo aan laga labo afleyn.