Xafiiska warbaahinta ee dowladda Falastiin ayaa sheegay in isku celcelis ahaan isbitaallada Qaza daqiiqad kasta la geeyo qof dhaawac ah halkii saacna halkaasi la geeyo meydadka 15 qof oo la dilay.
Sidoo kale isku celcelis ahaan waxaa saacadiiba Qaza lagu dilaa 6 carruur iyo 5 haween.
Sidoo kale waxaa guriyahooda ka barakacay boqolkiiba 70 ee shacabka Qaza duqeymaha Israa’iil awgood.
Xafiiskan ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay halkii kiiloomitir ee isku wareeg ah ay isticmaasho 82 taan oo qaraxyo ah.
Kala bar isbitaallada iyo boqolkiiba 62 ee xarumaha biyaha daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah kama jiraan adeegyo wax ku ool ah.
Sidoo kale waxaa duqeymaha ku burburay boqolkiiba 50 ee guriyaha , saddex meelood hal meel dugsiyada iyo boqolkiiba 14 ee masaajidda ku yaalla marinka Qaza oo boqolkiiba 5 ka mid ah si buuxda loo burburiyay.