Falastiin oo cambaareysay baaq ka yimid Israa’iil

0
293

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin ayaa cambaareysay baaq ka yimid Israa’iil oo ahaa inuu is casilo xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres.
Waxay tani ku tilmaantay daandaansi cad.
Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in Israa’iil ay sii ballaarisay qadarin la’aanta qaramada midoobay iyo inaynan ka go’anayn u hoggaansanka qaraarradii ay soo saartay ee arrimaha Falastiin.
Falcelinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa timid ka dib markii ergeyga Israa’iil u qaabilsan qaramada midoobay Gilad Erdan uu sheegay inay qasab tahay inuu xafiiska baneeyo Guterres.
Waxaa uu ka jawaabayay khudbad uu jeediyay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa taasoo uu ku sheegay in gudaha Qaza si cad loogu xadgudbay xeerarka caalamiga ee baniaadannimada.