Faith Odhiambo oo loo doortay madaxa LSK

0
192

Waxaa xilka madaxa ururka qareennada dalka ee LSK ku guulaysatay Faith Odhiambo oo ahayd ku xigeenkii Eric Theuri.
Odhiambo oo ay la tartamayeen afar musharraxiin kale ayaa beddelaysa Theuri oo hoggaanka LSK hayay tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkii 2022-kii.
Waxay heshay codad gaaraya 3,113 waxaana ku soo xigay Peter Wanyama oo soo hooyay 2,165 oo codad ah halka Carolyne Kamende ay soo gashay nambarka saddexaad iyadoo heshay codad gaaraya 888.
Waxaa nambarka afaraad soo galay Bernard Ng’etich oo helay codad dhan 833 halka Njoki Mboce ay soo hooysay 511 oo codad ah.
Waxaa Faith Odhiambo xilka loo doortay ugu hambalyeeyay qareenno uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna madaxa xisbiga Wiper , Kalonzo Musyoka.