Fahad Yaasiin oo laga reebay liiska xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya

0
474

Liiska Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya ayaa la shaaciyay, iyadoona xubnaha ka maqan uu ka mid yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo 3 xubnood oo deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.
Afarta kursi ayaa horay waxaa u joojiyay doorashadooda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal balse waxaa diiday maamullada qaar.
Liiska Guddiga shaaciyay waxaa ku qoran 299 qof oo ka kooban labada Aqal.
Guddiga ayaa ugu baaqay xubnaha magacyadooda la shaaciyay in ay soo xaadiraan Muqdisho si loo siiyo shahaadooyinka rasmiga ah ee Xildhibaanimo.
Tirada la shaaciyay 54 kamid ah waa Aqalka Sare, 245 xubnood waa Aqalka Hoose, waxaa dhiman 26 xubnood oo aan wali doorashadooda dhicin, halka 4 xubnood oo doorashadooda dhacday natiijadooda la diiday.