Fadhiyada baarlamaanka oo berri dib u furmaya

0
240

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa berri dib u billaabi doono kal-fadhiyadiisa ka dib muddo bil ah oo ay mudanayaasha fasax ku jireen.
Baarlamaanka ayaa eegi doono warbixinta guddiga maaliyadda ee hindise maaliyadeedka sanadkan iyo in Nuurdiin Xaaji uu u qalmo qabashada xilka loo magacaabay ee Agaasimaha guud ee waaxda sirdoonka dalka ee NIS.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa eegi doono in Kamau Thugge uu u qalmo jagada madaxa bangiga dhexe ee CBK ee uu u magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Baarlamaanka waxaa sidoo kale laga sugaya inuu eego warbixinta guddiga arrimaha cadaaladda ee ay Isaac Ruto iyo Caroline Nzilani ugu biirayaan guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa ka doodi doono isbeddel lagu sameeyay sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dembiyada dhaqaale .