Xildhibaanka deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa Faarax Macallin ayaa sheegay in musuqmaasuqa ka dhex jiro waaxda garsoorka ee dalka uu cabsi ku beeray maalgashato.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waaxda cadaaladda ee dalka ay saameeyeen dhaqamo aan soo jiidanayn maalgashatada.
Xilli uu wareysi siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu hoosta ka xarriiqay in waaxda cadaaladda si la mid ah maamullada kale inuu ka dhex jiro musuqmaasuq baahsan.
Waxaa uu walaac ka muujiyay kiisaska maxkamadaha la geeya ee ay muddo dheer qaadato in la soo gabagabeeyo.