Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa diyaar ay la socdaan wafdi Itoobiyaan ah oo laga celiyay hawada Soomaaliya.
Diyaaradda oo ka soo kacday caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ku socotay magaalada Hargeysa, ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa la rumeysan yahay in diyaaradda ay saarnaayeen wafdi hordhac u ah madax sare oo Itoobiya oo imaanaya Somaliland.
Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa diyaaradda ka celisay inay gasho hawada Soomaaliya xilli ay dulmareysay meel ku beegan Jigjiga.
Saaraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in markii hore ay diyaaraddu diiday inay u hoggaansanto amarka dowladda ka hor inta aan aysan ku qasbin hay’adda duulista Soomaaliya inay hawada ka xirto dhammaan diyaaradaha ka imaanaya Itoobiya.
Weli kama aysan hadlin dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland arrinkan.
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahinta diyaaradda ay saarnaayeen wafdiga Itoobiya ee Soomaaliya ka celisay hawada