Faahfaahin qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0
255

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay fiidkii ka dhacay afaafka hore ee xerada Nacnaca oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu dhex galay dhallinyaro loo qoraayay Ciidanimo, isaga oo halkaasi isku qarxiyay.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax oo dhawaqiisa laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho.
Ilaa 12 ruux oo u badan dhallinyarada ku sugneyd goobta ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxa.