Kooxda Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe abaare 1:40 am ee habeenimo, waxay weerarro xooggan ku qaadeen dhowr xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Goobaha ay weerareen ayaa waxay kala yihiin, Saldhigga Booliiska, Xarunta Maamulka Degmada iyo labo goobood oo bar koontorool ah, kuwaas oo amniga laga sugo.
Sida aan wararka ku helayno, saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarkan, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Mid ka mid ah weerarrada Al-Shabaab oo lala beegsaday saldhigga degmada Kaxda ayaa ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan, Walow ciidamada markii dambe ay dib ula wareegeen saldhigga, ka dib markii ay ku soo qaadeen weerar rogaal celis ah.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale qarax la beegsaday gaari ciidanku lahaayeen oo gurmad ah, iyagoo adeegsaday dhowr baasuuke oo ay ku dhufteen saldhigga ka hor inta aysan bixin.
Weerarkan lagu qaaday saldhigga degmada Kaxda iyo xarumaha kale ee maamulka , ayaa yimid xilli Dowladda Soomaaliya ay guulo waawayn ka gaartay dagaalka ka socda gobolka Galgaduud ee lagu xoraynayo deegaanada kooxda gacanta ugu jiro ee gobollada dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayayaan inay sameeyaan wax kaste oo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan howlgallada dib u xoraynta ee haatan socda.
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin ku saabsan weerarro Al-Shabaab ay xalay ka gaysteen degmada Kaxda