Faahfaahin ku saabsan sababta aan loo ansixin magacaabidii Stella Soi

0
267

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo qabashada xilalka dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta uunan ugu qancin magacaabidii Stella Soi Lang’at.
Waxay sheegeen in haweeneydan oo uu madaxweynaha dalka u soo xushay wasiiradda wasaaradda jinsiyadda, dhaqanka ,farshaxanka iyo hiddaha ay ku guul dareysatay in ay soo bandhigto qorsho istaraatiiji ah iyo fahanka arrimaha dhaqanka.
Lang’at ayaa hadda ah agaasimaha maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha dalka.
Warbixinta guddigan waxaa ku cad in aynan haweeneydan u qalmin xilka loo magacaabay maadaama aynan si lagu qanci karo uga jawaabin su’aallaha xilligii turxaan bixinta.
Guddigan ayaa sheegay in wasaaradda jinsiyadda ee loo soo magacaabay in ay hoggaamiso ay u baahan tahay hiigsi adag oo istaraatiiji ah, fahanka arrimaha dhaqanka iyo xeerarka dhanka maamulka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungwah ayaa sheegay in ay jiraan xilal kale oo ay buuxin karto Stella Soi Lang’at.
Baarlamaanka ayaa madaxweyne William Ruto kula taliyay inuu wasaaradda jinsiyadda wasiir kale u soo magacaabo.