Faahfaahin ku saabsan natiijada horudhaca ah ee doorashada Koonfur Afrika

0
432

Waxay faahfaahinno dheeraad ah ka soo baxayaan natiijada horudhaca ah ee doorashadii guud ee ka qabsoontay wadanka Koonfur Afrika.
Ilaa iyo hadda xisbiga haya talada dalkaasi ee ANC ayaa helay in ka badan boqolkiiba 42 ee codadkii la dhiibtay ee la tiriyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kala bar ama boqolkiiba 50 la tiriyay codadka.
Waxaa dhanka codadka ku soo xiga xisbiga dimuqraadiga ee The Democratic Alliance iyadoo xisbiga MK ee madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma uu soo galay kaalinta saddexaad ee codadka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ka hor Axadda lagu dhawaaqo natiijada kama dambeyska ah ee doorashada Arbacadii ka qabsoontay Koonfur Afrika.