Faahfaahin ku saabsan dabley hubeysan oo xalay weerartay goob ganacsi oo ku taalla Boosaaso

0
271

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax bambaano oo xalay lagu weerarray xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso iyadoo uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, labo kalena waa ku dhaawacmeen weerar bambo-gacmeed loo adeegsaday oo dabley ay ku qaaday xarunta ganacsiga Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso.
Qofka la xaqiijiyay geeridiisa ayaa ahaa waardiyihii xarunta oo kooxda weerarka soo qaaday markii ugu horreysay ay dileen inta aynan weerarka bambaanada qaadin.
kooxda weerarka qaaday ayaa bambaanooyin ku tuuray waxaana ay sababeen dab ka kacay xarunta kaas oo ay ka dhalatay khasaare ba’an oo maaliyadeed, sida wararku sheegayaan.
Xarunta weerarka lagu qaaday ayaa ahayd meel ay inta badan dhallinyaradu ku caweeyaan xilliyada habeenkii ah.
Ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaanno ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkaasi.