Waxaa lagu soo warramayaa in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada militeriga ee dalka Gabon oo ka soo hormuuqday teleefishinka qarankaasi, ay ku dhawaaqeen inay xukunka wadankaasi ay la wareegeen.
Tani ayaa ku soo aadeyso saacado un ka dib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad ee xilka madaxtinimo ee wadankaasi.
Waxaa ay saraakiisha sheegeen in ay baabi’inayaan natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi.
Saraakiisha militeriga ee afgambiga sameeyay ayaa intaasi ku daray in la xiray dhammaan xuduudaha uu wadankaasi la leeyahay dalalka dariska ah ilaa amar dambe .
Waxaa sidoo kale la kala diray hay’adaha dowladda ee wadankaasi, iyaga oo sheegay inay wakiil ka yihiin dhammaan ciidamada difaaca ee dalkaasi.
Militeriga ayaa sheegay in Mr. Bongo afgambigiisu uu soo afjari doona 56 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen.
Madaxweyne Cali Bongo ayaa xukunka qabtay markii aabihiis Cumar uu dhintay sanadkii 2009-kii.
Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP ayaa ku warramaya in dhawaaqa rasaas xooggan laga maqlayay magaalada caasimadda ah ee Libreville.