Faahfaahin ka soo baxeysa Helikobtar u gacan gashay Al Shabaab oo ay ajnabi la socdeen

0
324

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad ay Qaramada Midoobay leedahay oo ka soo duushay Beledweyne, kuna sii jeedday Wisil, ay ku degtay deegaan ka tirsan gobolkaasi oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab.
Diyaaradda oo nooceedu uu ahaa Helikobtar ahna nooca qumaatiga u kacda, kuna duulaysay magaca UNSOS, ayuu warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka amniga ee Galmudug Maxamad Cabdi Aadan (Gaboobe) in cillad ay qabsatay, ayna degdeg u fariisatay deegaan hoos yimaada Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wararku ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaaradda iyo 7 qof oo saarnaa, waxaana diyaaradda oo wasiirku sheegay inay dawo sidday dadka saarnaa ku jiray dad ajnabi ah.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo warbaahinta u warramay, isagoo codsaday in aan magaciisa la soo xigan, ayaa sheegay in cilladda ku timid diyaaradda darteed ay khasab ku noqotay in ay dedgeg u fariisato.
“Meesha ay ku degtay waa meel baadiye ah , ciladda ayaana ku kalliftay inay halkaa ku degto” ayuu yiri mas’uulkaasi.
“Dadkii reer miyiga ahaa ee deegaankaasi ayaa ku soo xoomay dIyaaradda oo ku degtay meel u dhexeysa Xiindheere iyo Xagarrey, ka dibna ayagii (dadka deegaanka) oo ku dheggan dadkii diyaaradda saarnaa ayaa waxaa yimid Al-Shabaab oo sidaas ku soo fara geliyey” ayuu yiri.
Wuxuu xaqiijiyey in mid ka mid ah raggii dIyaaradaas saarnaa la dilay. “Waxaa la dilay mid ka mid ah dadkii dayaaradda saarnaa, waana muwaadin Masar u dhashay” ayuu sii raaciyey.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray inay jiraan qaar ka mid ah dadkii Helikobtarka saarnaa oo baxsaday. “Labo ka mid dadkii diyaaradda la socday ayaa baxsaday isla markii ay degtay, waana duuliyihii diyaaradda iyo dhakhtar Soomaali ah” ayuu sii raaciyey.
Mas’uulka warbaahinta u warramay ayaa sidoo kale sheegay in afartii qof ee kale ay Al-Shabaab u kaxaysteen dhinaca Xiindheere.
Diyaaradda helikobtarka ah ayaa meesha ay ku degtay waxay qiyaastii dhinaca bari ka xigtaa magaalada Dhuusamareeb 76 Kiloomitir.
Waxaa uu meesha ka saaray in diyaaraddu ay hub sidday, wuxuuna sheegay in ay iminka doonayaan inay helaan raggii fakaday.
“Waxaan hadda abaabulaynaa ciidan iyo in aan helno raggii Al Shabaab ka badbaaday” ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in deegaanka ugu sokeeya ee raggaas ay tagi karaan oo uu codsaday in aynaan magaca deegaankaas sheegin sababo amni dartood uu ka socdo abaabul la doonayo in lagu soo hago si aysan duurka ugu sii amban oo ay halka gaaraan.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa halka ay diyaaraddu farriisatay iyadoo la adeegsanayo xogta dadka deegaanka iyo diyaaradaha duuliye la’aanta ah.
Wargeyska Washington Post oo asagana wax ka qoray diyaaradda u gacan gashay Al-Shabaab ayaa 3 il-wareed oo magacyadooda qariyey sababo la xiriira xasaasiyadda akhbaarta wuxuu soo qoray in “Al-Shabaab ay diyaaradda dab qabadsiiyeen, ayna kaxaysteen tiro shaqaalihii diyaaradda saarnaa ah oo aan la ogayn”.
Waxaa uu wargeysku intaasi ku daray in gabar afhayeen ah oo ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caawinta howlgalka ay sheegtay in dhawaan ay war ka soo saari doonaan.
Weli dawladda Soomaaliya, maamulka Galmudug iyo Qaramada Midoobay kama aysan hadlin arrinta diyaaraddan.
Deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey wuxuu dagaal kharaar ku dhex maray dowladda Soomaaliya iyo ciidanka deegaanka oo dhinac ah iyo Al Shabaab.