Faahfaahin ka soo baxaysa Nabadoon Xalay Muqdisho lagu dilay

0
484

Alle ha u Naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) oo kamid ahaa Nabaddoonada Soomaaliyeed.
Nabadoonka ayaa Isbitaalka Erdogan ee (Ex Digfeer) ee Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ay Kooxo hubeysan u geysteen.
Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Nabaddoonka dhowr Xabadood ku dhufteen xilli uu ku sugnaa Xaafada NBC ee degmada Hodan, iyagoo intaasi kadib Goobta ka baxsaday.
Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay waxayna sameeyeen howlgallo aysan jirin cid ay u soo qabteen weerarkaasi.
lama oga ujeedka ka dambeeysa iyo sababta loo dilay Nabaddoon Yuusuf Dhoore oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee muddada dheer ka shaqeynayay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaalida, balse warar soo baxay ayaa sheegaya inuu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Ergada dhawaan soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilaa Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada soo doorta Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.