Wararka aan ka heleyno deegaan hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maalintii labaad uu halkaasi ka socdo dagaal u dhexeya laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkaan oo galinkii dambe ee shalay billowday ayaa waxaa uu si gaar ah uga socdaa tuulo lagu magacaabo Baale oo hoostagta deegaanka dhagax-dheer ee Galgaduud.
Dagaalkaan ayaa yimid, ka dib markii mid ka mid ah maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen rag xoolo ku ilaalinayay tuuladaasi.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha, maadaama aaga lagu dagaalamayo aan laga ag dhawaan karin oo ay rasaas ka socoto.
Dagaalka maleeshiyo beeleedka ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira dul-daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostagta deegaanka dhagax-dheer ee Gobolka Galgaduud, mana jirto cid kala dhex-gashay, sidoo kalena Maamulka Galmudug ayaa ka hadlin.
Si kastaba deegaano ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, waxaana dhowr jeer lagu guuleystay joojinta dagaal beeleedyada soo noqnoqday.
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin: Dagaal xooggan oo maalintii labaad ka socda deegaan katirsan Galgaduud