Faahfaahin: Hal askari oo ku dhintay qarax ciidamada GSU-da lagula eegtay duleedka Dadaab

0
464

Hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay halka labo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib markii lala eegtay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ee (IED) subaxnimadii hore ee maanta, xilli gaarigii ay saarnaayeen uu marayay duleedka magaalada Dadaab.
Askartan ayaa waxay ka tirsanayeen ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da.
Qaraxan ayaa ciidamada lagula eegtay duleedka deegaanka Dadaab gaar ahaana aaga Warta Egey ee ku teedsan waddada isku xirta deegaaanka Dadaab iyo magaalada Garissa.
Waxay sarakiishan ku wajahnaayeen inay kormeeraan xarumaha ardayda Dadaab ay ku sameynayaan imtixaanaadka qaran ee shahaadiga KCPE iyo KPSEA oo saaka billowday.
Ciidamada ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay isbitaalka Dadaab si halkaasi loogu dabiibo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen qaraxa lala eegtay ciidamada GSU-da.