Waxaa xilkiisi iska casilay agaasimihii guud ee maamulka isgaarsiinta dalka , Ezra Chiloba.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu Chiloba ku eedeysan yahay habdhaqan xumo baahsan iyo ku tagriifalka awoodiisa xafiiseed.
Guddiga agaasimayaasha maamulka CA ayaa bayaan ku sheegay inuu aqbalay is casilaadda Ezra oo xilkan hayay muddo labo sano ah laga soo billaabo bishii Tobnaad ee sanadkii 2021-kii.
Guddoomiyaha guddigan , Mary Mungai ayaa sheegtay in iyadoo wakiil ka ah maamulka isgaarsiinta wadanka ay agaasimaha guud ee is casilay guul u rajeynaysa mustaqbalka.
Waxay dhanka kale uga mahadcelisay doorkii uu ka qaatay waxqabadka maamulka CA iyo si guud waaxda ICT-da.
Eedeymaha loo jeediyay Ezra Chiloba waxaa ka mid ah inuu codsaday oo uu isku ansixiyay amaah dhanka guriyaha ah isagoo aan marin habraaca habboon.
Chiloba ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu helay guri iyo dhul 7 eekar ah in kastoo loo oggol yahay dhul ah hal eekar sidaasi awgeedna uu baal maray hannaanka u degsan shaqaalaha dowladda.
18-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay Ezra Chiloba ka dib fadeexadii lala xiriiriyay oo uu iska fogeeyay isagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn.
Home Wararka Kenya Ezra Chiloba oo iska casilay xilka agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka