Evans Kidero oo lagu waayay dacwad musuqmaasuq

0
175

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Evans Kidero ayaa lagu waayay kiis la xiriira musuqmaasuq .
Waxaa uu wajahayey dacwad ah in isaga iyo shakhsiyaad kale ay lunsadeen 213 milyan oo shilin.
Waxaa Kidero lala soo eedeyay xubno sare oo ka tirsanaa maamulkiisi oo ay ka mid yihiin Lilian Wanjiru Ndegwa, Jimmy Mutuku Kiamba iyo Gregory Mwakanongo.
Dadkan ayaa loo haystay in ay ku tagriifaleen awooddooda xafiiseed, in ay la macaamileen hanti laga shakiyey sidoo kalena ay iska kaashadeen lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Kidero ayaa ku eedeysnaa in 29-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii 2014-kii uu 14 milyan oo shilin ka helay shirkadda Lodwar Wholesalers Limited halka 10 milyan oo kale lagu wareejiyay 11-kii bishii Sagalaad ee sanadkaasi xilligaasi oo uu ahaa guddoomiyaha ismaamulka Nairobi.
Waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegtay in ay aaminsan tahay in lacagtan lagu helay qaab musuqmaasuq ah.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa Evans Kidero iyo tuhmaneyaasha kale ku eedeyay in ay si aan habbooneyn u maareeyeen lacagaha dowlad deegaanka iyagoo ka macaashay.
Hasa ahaate, maxkamadda ayaa ugu dambeyn laashay dacwaddaasi.