Madaxa xisbiga DAP-Kenya Eugene Wamalwa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua ee ah in deegaan baarlamaneedyada miisaaniyadda loogu qaybiyo tirada codbixiyeyaasha ee halkaasi ka diiwaangashan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in nidaamkan uu xaqiijinaya in dakhliga qaran si siman loo qaybsado.
Arrintan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay ismaamulka Nairobi.
Wamalwa ayaa carrabka ku adkeeyay in adeegsiga nidaamkan aynan keliya ka faa’iidi doonin shacabka ku nool gobolka Bartamaha wadanka balse si guud kenyaanka oo dhan.
Waxaa uu xusay in ka xisbi ahaan ay si buuxda u soo dhaweynayaan in qaabkan la adeegsado.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ismaamullada wadanka ay ka sinnaadaan dhanka horumarinta.