Eugene Wamalwa oo ku gacan seyray warbixinta guddi uu ka tirsan yahay

0
315

Madaxa xisbiga (DAP-K) sidoo kalena xubin ka ah guddiga qaran ee wada hadallada ee (NADCO), Eugene Wamalwa ayaa gaashaanka u daruuray warbixinta uu guddigan shalay soo saaray.
Waxaa uu sheegay in aan la tixgelin cabashada kenyaanka ee la xiriirta qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Busia ballan qaaday inuunan saxiixi doonin warbixinta guddigan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuunan qaadan oo uunan yeeli doonin in la siiyo lacagaha gunnooyinka ee xubnaha guddiga qaran ee wada hadallada.
Wamalwa ayaa xusay inuu aaminsan yahay inaynan u cadaalad sameyn kenyaanka gaar ahaan xallinta arrinta ugu muhiimsan ee sicir bararka nololeed.
Martha Karua oo ka mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in heshiis kasta oo aan taabanayn qiimaha maciishadda, cadaaladda dhanka doorashooyinka iyo qadarinta dimuqraadiyadda xisbiyada badan uu yahay khiyaano loo baahan yahay in dhinac la iskaga dhigo.