Eritrea oo ciidankeeda kala baxaysa gobalka Tigray ee Itoobiya

0
669

Ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in wadamada Eritrea iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in ciidamada wadanka Eritrea ay ka baxaan xuduudda ay wadagaan labada dal.
Mr.Abiy oo safar rasmi ah ku tagay Eriteria ayaa shaaciyay in ciidamada Eritrea ee ku sugan gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ay haatan dib ugu labanayaan dalkooda taas oo lagu gaaray kulan dhex maray isaga iyo dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki.
Waxaa uu Abiy xusay in saraakiisha difaaca ee dalkiisa ay la wareegi doonaan sugidda amniga xuduudda ay la wadagaan wadanka dariska la ah.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa intaa ku daray in ay soo celinayaan kalsoonidi iyo xiriirki ka dhaxeeyay dadka gobalka Tigray iyo dhigooda Eritrea ee wada deggan xuduudda ay wadagaan labada wadan.
Arrimahan ayaa yimid kadib markii cadaadis iyo dhaleecayn xooggan ay wadamo uu ugu horreeyo Maraykanka u jeediyeen saraakiisha difaaca ee Eritrea oo lagu eedeyay inay gobalkaas ka gaysteen dilal , dhac iyo kufsi.
Billowgii toddobaadkan ayay ahayd markii ugu horraysay ee ra’iisul wasaare Abiy uu qiray in ciidamo ka socda Eriteria ay soo galeen xuduudda dalkiisa iyada oo la rumaysan yahay in sarkaakiishan ay qayb ka ahayeen howlgalki dowladda dhexe ee Itoobiya ay ku qaadday gobalka Tigray shan bilood ka hor.
Kooxaha u doodda xuquuqda adanaha ayaa ku edeeyay ciidamada Eritrea inay xasuuq ba’an ka gaysteen gobalkaas.
Dowladaha Itoobiya iyo Eriteria ayaa marar badan iska diiday eedaha hayadaha u dooda xuquuqul isaanka.