Waxaa maanta maxkamad la soo taagay eedeysanayaal uu ka mid yaahy majaajilistaha lagu magacabo Eric Omondi oo shalay la xiray.
Waxaa loo haystay inay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka wadanka ay dibadbax ka sameeyeen.
Hasa ahaate waxay dhamaantood iska fogeeyeen eedeyn loo jeediyay oo ahayd inay qabteen isku imaatin sharci darro ah.
Maxkamadda ayaa intaasi ka dib tuhmanayaasha ku siidaysay damaanad lacageed oo min 10,000 oo shilin ah.
Dacwadda ay wajahayaan ayaa mar kale ay maxkamaddu soo hadal qaadi doontaa 6-da bisha Saddexaad ee sanadkan.