Ergeygii gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsana Dalka Haiti oo is casilay

0
385

Danjire Daniel Foote, oo ahaa ergeygii gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa Haiti, ayaa is casilay ka dib markii uu ka hor yimid go’aanka uu Maraykanka ka qaatay dadka Haiti ee ku soo ururay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.
Danjirahan ayaa sheegay in si kabaxsan bani’aadanimada uu Maraykanka u musaafurinayo dadka ka soo jeeda dalka Haiti.
Maraykanka ayaa ka cabsada inay saameyn ku yeelayo khatarta amni eek a jirta Haiti iyadoona ay halkaas ku badan yihiin kooxaha burcadda ah.
Haiti ayaa la daala dhaca khalalaase siyaasadeed iyadoona lagu wada in bisha November la soo dhiso dowlad.