Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ku booriyay isxakameyn xilli xiisado sii kordhaya ay ka jiraan bariga Yemen

0
152

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Hans Grundberg ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay wadahadal gaaran, iyadoo maamulka Golaha Ku meel gaarka ah ee gobollada koonfureed iyo bariga Yemen STC uu sii kordhinayo xiisadda kala dhaxaysa dowladda caalamka aqoonsan yahay.
Grundberg ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Riyadh kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Shaya Zindani, Safiirka Sacuudiga ee Yemen Maxammed Al-Jaber, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Yemen Maxammed Al-Zaabi, wakiillada shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale, sida lagu sheegay war saxaafadeed xafiiska ergayga ka soo baxay.
Sida lagu sheegay war saxaafadeedka, kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda gobollada Hadramout iyo Al-Mahrah ee bariga Yemen.
Grundberg ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo booska dhinacyada Yemen si ay uga qayb galaan wadahadal si loo taageero xasilloonida loona adeego danaha dadka Yemen.
Kulanka ayaa dhacay iyadoo ciidamada STC ay la wareegeen gacan ku haynta gobollada Hadramout iyo Al-Mahrah.