Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee (EPRA) ayaa ku dhawaaqay inuu xiray 6 kaalimo shidaal ah oo ku kala yaalla gobollo kala duwan guud ahaan waddanka.
Tani ayaa timid ka dib howlgal ballaaran oo uu maamulkan sameeyay.
Bayaan ay soo sartay EPRA ayay ku sheegtay in lixda kaalin lagu helay dambiyo ka hor imaanaya sharciga iyo iibinta shidaal ee aan la oggolayn.
Maamulka EPRA ayaa sheegay in dambiilayaasha lagu soo qabtay howlgallo la fuliyay intii u dhexeysay bilihii Tobnaad iyo 12-aad ee sanadkan.
Bishii Sagaalaad ee sanadkan EPRA ayaa sidoo kale daaha ka qaadday inay xirtay 14 kaalimood oo shidaal ah, saddex kalena la ganaaxay ka dib markii lagu helay inay iibiyeen shidaal aan xalaal ahayn.
Howlgalkan ayaa la sameeyay intii u dhaxeysay bilihii Toddobaad iyo Sagalaad ee sanadkan.