Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada batroolka iyo tamarta ee dalka ee (EPRA) ayaa shaaciyay inuu hoos u dhacay qiimaha noocyada shidaalka ee Super Petrol, Diesel, iyo Kerosene.
Tani ayaa xigtay dib u eegis billa ah oo la sameeyay.
EPRA ayaa sheegtay in qiimaha nooca shidaalka ee Super Petrol uu hoos u dhacay 5.31 shilin, Diesel-ka waxaa uu qiimo ahaan is dhimay 10 shilin halka kerosene uu qiimihi hore ka yaraaday 18.49 shilin.
Waxay tani micnaheedu tahay in batroolka Nairobi lagu kala iibsan doono 193.15 shilin halkii liitar ,Diesel-ka ama naaftada waa 180.38 shilin liitarkii halka Kerosene halkii liitar lagu iibin doono 170.06 shilin.
Isbeddelladan ayaa shaqeyn doono laga billaabo saqda dhexe ee 15-ka bishan Afaraad ilaa 14-ka bisha Shanaad ee sanadkan.