Elon Musk oo balaayin doolar kula wareegay shirkadda Twitter-ka

0
344

Madaxa fulinta ee shirkadda baaburta ee Tesla Elon Musk ayaa lagu soo warraamayaa inuu si rasmi ah u la wareegay shirkadda Twitter.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo gabagabeeyay heshiis ku kacay 44 bilyan oo doolar.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr mas’uuliyiin ah oo shirkadda Twitter-ka ka shaqeynayay uu shaqada ka eryay.
Hasa ahaate dhankiisa arrinta la xiriirta shaqo ka cayriinta aan si rasmi ah looga xaqiijin.
Twitter-ka wali ma aysan xaqiijin in lala wareegay, balse mid ka mid ah maalgaliyeyaal hore oo shirkadda qayb ka ahaan jiray ayaa sheegay in heshiiska la dhameeyay.
Elon Musk ayaa loo tixgeliya inuu yahay ninka ugu taajirsan dunida.