Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu maanta magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu u aqoonsado in ay ka mid tahay magaalooyinka waawayn ee dalka.
Magaalooyinka maqaam ahaan loo aqoonsan yahay kuwo waawayn ee dalka ayaa kala ah Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo Kisumu.
Xafladdan oo ay madaxweynaha ku wehelinayaan saraakiil sare oo ka tirsan dowladda , hoggaamiyaal maxaali ah iyo cayartooy ayaa ka dhici doonto fagaaraha cayaaraha ee Eldoret Sports Club .
Waxaa hadda socoto munaasabad uu madaxweynaha ku qaabilaya halyeeyada kenyaanka ah ee guulaha ka soo hooyay cayaaraha Olimbikada.