Waxaa maanta maxkamad ku taalla magaaladatani Nairobi ka soo hormuuqday Jackson Njogu Njiru iyo Xafso Cabdi Axmad oo lala xiriirinayo afduub 15-kii bishan loo gaystay gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Xafso Maxamad Luqmaan.
Shalay ayay ahayd markii tuhmanayaasha laga soo qabtay deegaanka Kinangop ee ismaamulka Nyandarua.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay in labadan qof la soo xiray ka dib 12 cisho oo la raadinayay.
Xafso Maxamad Luqmaan oo ka dib markii la afduubtay loo gaystay jirdil ayaa sidoo kale akoonkeeda bangiyeed lagala baxay ugu yaraan 650,000 oo shilinka dalka ah .
20-kii bishan ayaa Xafso Maxamad Luqmaan laga soo badbaadiyay xaafadda Kayole ee Nairobi oo muddo 5 cisho ah lagu hayay.
Waxay doonaysa in lala xisaabtamo dadka loo haysto inay ka dambeeyeen afduubka si ay caddaalad u hesho.
Ilaa iyo hadda saddex eedeysanayaal ah ayaa loo soo xiray falka afduubka ee dhacay.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa maxkamadda ka codsaday inay u ogolaato in labada eedeysane muddo 14 cisho ah ay ku sii hayaan xabsiga si baaritaanada loo soo gabagabeeyo.
Qareenka u doodaya Xafso Cabdi Axmad oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa maxkamadda u sheegay in gabadhan ay tahay keliya eedeysane oo aan caddeyn dhameystiran loo hayn dacwadda lagu soo oogay.
Waxaa uu doonayaa in damiin lacageed lagu siidaayo .
Wixii faahfaahin oo qodobkan ku soo kordho wararka dambe ayaad ku maqli doontaan.
Home Wararka Kenya Eedeysanayaasha loo haysto afduubkii Xafso Maxamad Luqmaan oo maxkamadda la soo taagay