Eedeysanayaal qaybinayay daawo sharci darro ah oo lagu xiray Kajiado

0
418

Guddiga qaabilsan xakameynta farmashiyada iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ayaa ismaamulka Kajido ku xiray eedeysanayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in iyagoo aan loo ansixin ay daawooyin ku qaybiyaan gudaha dowlad deegaankaasi.
Guddiga ayaa laga soo xigtay inuu howlgal sameeyay ka dib cabasho ka soo gaartay dadweynaha oo ahayd in daawooyinka laga dhaco isbitaallada dowliga ah la geeyo xarumo si gaar ah loo leeyahay oo bulshada looga iibiyo.
Guddiga ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyay xarumo leesin la’aan shaqeynayay oo iibinayay daawooyin uunan guddiga ansixin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo howlgallo laga fuliyay qaybaha kala duwan ee dalka lagu soo qabtay 35 eedeysanayaal ah halka albaabada loo laabay 50 xarumood .
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay ilaa 150 kartoon oo daawooyin ah.
Dadweynaha ayaa lagu boorriyay in ay taxaddar muujiyaan oo ay daawooyinka ka iibsadaan keliya meelaha rasmiga ah ee la ansixiyay.