Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi lagu xiray afar qof oo loo haysto ganacsiga dahabka ee faaliska ah.
Waxay si khiyaano ah lacago uga dhaceen dhibbanayaal.
Tuhmaneyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Patroba Odhiambo Tobias, Isaac Forkay Sleyon, Omong Ekoume Louis iyo Wadja Bangsi Tang.
Howlgalka lagu soo xiray ee laga fuliyay agagaarka waddada Whispers Avenue ee Gigiri ayay DCI ku tilmaantay mid si habsami leh loo qorsheeyay.
Waxay waaxdu sheegtay in baaritaanno hor dhac ah oo ay sameysay ay ku heshay agab kala duwan oo loo adeegsanayay ganacsigan sharci darrada ah.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.