Eedeysanayaal loo haysto dilka maalqabeen oo maxkamad la soo taagaya

0
473

Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda Shanzu ee ismaamulka Mombasa ay ka soo hormuuqdaan labo eedeysanayaal oo lala xiriiriyay dil labo toddobaad ka hor loo gaystay nin maalqabeen ahaa.
Dhawaan ayay ahayd markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay labo qof oo lagu tuhmayo inay dileen Herman Rouwenhourst.
Ninkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Netherlands ayaa ku noolaa ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Waxaa la dilay isagoo 55 sano jir ah isaga iyo ilaaliyihiisi Evans Bokoro oo ay da’diisu ahayd 23.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Timothy Omondi Ngoe oo loo yaqaano Rashid oo 22 sano jir ah iyo Mary Nekesa Ambani oo da’adeedu lagu sheegay 33.