Edwin Sifuna oo maanta ka hadli doona xil ka qaadistii lagu sameeyay

0
193

Senetarka caasimada dalka ee Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in maanta uu qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga hadli doono xil ka qaadistii lagu sameeyay.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo shalay Guddiga Fulinta xisbiga ODM ee (NEC) xilka Xoghayaha Guud ee xisbiga ka qaadeen Senator Edwin Sifuna, ka dib markii ay ku tilmaameen heerarka anshax xumada ee kusii kordhaya xisbiga.
Dhanka kale, guddiga sare ayaa go’aansaday inuu qabto Shirka Ergooyinka Qaranka (NDC) si loogu qabto Nairobi 27-ka bisha Maarso 2026.
Mr Sifuna, kama uusan soo qayb gelin shirkii lagu ansixiyay in xilka laga qaado ..
Ms Catherine Omanyo, ayaa xilka sii hayn doonta ilaa si rasmi ah loo dooranayo Xoghaye Guud oo cusub.
Iyada oo loo marayo bayaan ay Ms Omanyo ku akhriday magaca NEC, hoggaanka sare ee xisbiga ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan heerarka anshax xumada ee sii kordhaya, gaar ahaan heerarka ugu sarreeya ee hoggaanka.
NEC waxay ku nuuxnuuxsatay in ODM ay hagto Dastuurkeeda, mabaadi’da sharciga iyo go’aan qaadashada wadajirka ah iyada oo loo marayo guddiyada xisbiga ee sharciga ah.