ECOWAS oo shir degdeg ah yeelanaysa

0
686

Mas’uuliyiinta jaaliyadda dhaqaale ee waddamada galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa maanta magaalada Accra ee dalka Ghana ku yeelanaya shir degdeg ah.
Waxay ka arrinsanayaan xasiloonida gobolkaasi ka dib markii ilaa saddex waddan oo jaaliyadda xubno ka ah ay ka dhaceen afgembiyo.
Dalalkan ayaa kala ah Burkina Faso, Mali iyo Guinea.
24-kii bishii hore ee Jannaayo ayay ahayd markii ciidamada militariga ee Burkina Faso ay xilka ka tuureen madaxweyne Roch Marc Christian Kabore
Mali waxaa uu afgembi ka dhacay bishii sagalaad ee sanadkii 2020-kii iyo bishii shanaad ee sanadkii hore.
Bishii sagalaad ee sanadkii 2021-kii waxaa sidoo kale xilka laga tuuray madaxweynihii Guinea Alpha Conde .
Wada hadallada maanta ee ECOWAS ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii uu inqilaad ka badbaaday madaxweynaha dalka Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embalo.