ECOWAS oo markii labaad ka shireysa xaaladda Niger

0
320

Hoggaamiyaasha jaaliyadda dhaqaale ee waddamada ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika ee ECOWAS ayaa ku baaqay in markii labaad uu qabsoomo kulan degdeg ah oo looga arrinsanaya xaaladda ka taagan dalka Niger.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii ay ciidamada ilaalada madaxtooyada ee wadankaasi ay xukunka ka afgembiyeen madaxweynihii Niger Maxamad Bazoum.
Saraakiisha militariga ayaa dafiray muddo toddobaad ahayd oo ay u qabatay ECOWAS si ay talada dib ugu celiyaan madaxweynihii ay ka faro maroojiyeen.