EACC oo xirtay taliyaha saldhigga booliiska ee Ruai

0
283

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in la xiray taliyaha saldhigga booliiska ee magaalada Ruai Duncan Otieng.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu dalbaday in la siiyo lacag laaluush oo dhan 5000 oo shilin si loo siidaayo dad laga soo qabtay goob lagu caweeyo.
EACC ayaa taliyaha gacanta ku dhigtay ka dib cabasho ka timid ehellada mid ka mid ah shakhsiyaadka la xiray.
Duncan Otieng oo ay wararku sheegayaan in la qabtay isagoo qaadanaya lacagta laaluushka ah ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Kilimani ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Madaxa fulinta ee guddiga EACC Mr. Twalib Mbarak ayaa sheegay in taliyaha laga soo gudbiyay cabashooyin badan oo la xiriira laaluush qaadasho.
Waxaa uu saraakiisha booliiska ugu baaqay inay dhaqankan ka waantoobaan oo ay dadweynaha ugu adeegaan si waafaqsan xeerarka dastuuriga ah ee dalka.