EACC oo xirtay saraakiil loo haysto inay musuqmaasuqeen in ka badan 600 oo milyan

0
310

Ciidamada dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta xabsiga u taxaabay 6 ka mid ah shaqaalaha dowladda.
Waxaa loo haystaa inay si aan habboonayn u bixiyeen qandaraas qiimo ahaan dhan 600 oo milyan oo shilin si loogu hirgeliyo mashruuca biyaha iyo maareynta wasaqda ee Malaba.
Afar ka mid ah waxay ka tirsan yihiin guddiga adeegyada biyaha ee Rift Valley waxaana laga soo qabtay magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret.
Magacyada eedeysanayaasha ayay EACC ku sheegtay Rachael Nafula ,Agnes Jerop Bowen , Injineer Patrose Sempeiyan Leshinka iyo David Kigen.
Labada tuhmane ee kale ayaa ka howlgalo guddiga adeegga biyaha ee Lake Victoria North Water Service Board waxaana laga soo kala xiray ismaamullada Nandi iyo Kakamega waxaana lagu magacaabaa Isaac Kiptanui Ruto iyo Jared Ouma Okungu.
EACC ayaa baaritaannada billowday ka dib markii la helay in qandaraaska la siiyay shirkadda Mactebac oo aan buuxin shuruudihii laga doonayay sidoo kalena aan awood u lahayn inay barnaamijkan fuliso.
6-da qof ayaa lagu hayaa xarunta EACC ee Bungoma ka hor inta aan berri maxkamad la soo taagin.
Waxaa sidoo kale lagu raadjoogaa agaasimaha shirkadda Mactebac Joram Opala Otieno oo lagu amray inuu iska xaadiriyo xafiiska EACC ee ismaamulka Bungoma.