Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in la xiray labo booliis ah oo ka howlgalo ismaamulka Bungoma.
Saraakiishan ayaa loo haystaa inay dalbadeen laaluush lacageed oo dhan 4,000 oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa la xiray ka dib markii ay cabasho ka soo yeertay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee magaalada Bungoma kaas oo saraakiishan ay ka qaateen dhudhugleydiisa islamrkaana ay ka codsadeen laaluush.
EACC ayaa intaasi ku dartay inay ku raadjoogta sarkaal kale oo magaciisa ku sheegtay Onesmus Kiprop oo gacansaar la lahaa saraakiisha la xiray.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in maanta ay ka soo hormuuqdaan maxkamadda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.




