Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa gacanta ku dhigay guddoomiye ku xigeenka golaha hoose ee ismaamulka Kiambu , John Njue Njiru.
Njiru oo sidoo kale ah wakiilka deegaanka hoose ee Hospital Ward ee deegaan baarlamaneedka Thika ayaa ku eedeysan inuu dalbaday in la siiyo lacag laaluush oo dhan 130,000 oo shilin.
Sidoo kale waxaa loo haystaa inuu haweeneyda cabashada ka gudbisay waydiistay inay ku wareejiso qayb ka mid ah dhul ay leedahay si loogu oggolaado codsigeeda.
Qiimaha dhulkaasi ayaa ah 15 milyan oo shilin.
Njiru ayaa hadda lagu haayaa saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee guddiga EACC ee magaalada Nairobi halkaasi oo farriin looga qoraya.