Saraakiisha dambi baarista ee Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa gacanta ku dhigay 5 qof oo shaqaale ah.
Waxaa dadkan loo haystaa isticmaalka shahaadooyin waxbarasho oo faalis ah.
Saraakiishan ayaa ka mid ah howlwadeennada Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC),Machadka tababarka caafimaad ee (KMTC),Maamulka dhisa waddooyinka degmooyinka ee (KeRRA),Golaha qaran ee xakameynta cudurrada ee (NSDCC), iyo shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee Nairobi ee (NCWSC).
Madaxa fulinta ee EACC Cabdi Maxamuud ayaa xaqiijiyay xarigga eedeysanayaasha.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha gacanta lagu dhigay ka dib warbixinno laga helay dadweynaha iyo maamullada kala duwan kuwaasi oo lagu sheegay in howlwadeennadan ay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah oo lagu shaqaaleysiiyay mise lagu dallacsiiyay sidaasina lagu waayay malaayiin shilin.