EACC oo xannibtay hantida mid ka mid ah shaqaalaha Nairobi

0
237

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xannibay hantida mid ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee Nairobi.
Tallaabadan ayuu guddigu qaaday ka dib markii uunan shakhsigan caddeyn sida uu ku helay hanti qiimaheedu yahay 643.2 milyan oo shilin.
EACC ayaa sheegtay in aan la faahfaahin sida lacagtan ay ku soo gashay howlwadeenka oo mushaarkiisa billaha uu yahay 55,000 oo shilin.
Garsoore Esther Maina ayaa guddiga u oggolaatay inuu sii wado baaritaannada intaasi ka horna aan hantidan la isticmaali karin.